Man City Oo Garaacday Newcastle & Natiijooyinkii Kale Ee Fa Cup-ka

Mucjisadii Maanta La Arkay Iyo Man City Oo Iska Xaadirisay Semi-finalka FA Cup

Mucjisadii Maanta La Arkay Iyo Man City Oo Iska Xaadirisay Semi-finalka FA Cup

Abdiwahab Ahmed by Abdiwahab Ahmed March 16, 2024

Taariikh cusub iyo dhacdooyin mucjiso lagu tilmaamay ayaa maanta iyo caawa laga diiwaangeliyey tartanka FA Cup oo wareegga siddeeda ay usoo gudbeen kooxaha Coventry City iyo Manchester City oo dhaxda kusoo jiidhay Wolves iyo Newcastle United.

Waqti hore oo maanta ahayd ayaa waxa ay taageereyaasha kubadda cagtu dib usoo xasuusteen magacii baryaha qaarkood aanu carrabkoodu ka dhamaan jirin ee kooxda Coventry City oo markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1987kii usoo gudubtay semi-finalka FA Cup.

Coventry oo ka mid ahayd kooxaha shidan jiray horyaalka Premier League qarnigii 20aad, ayaa waxa ay si lama filaan ah ugu soo gudubtay wareegga semi-finalka FA Cup iyaga oo 3-2 ku garaacay Wolves oo xilli-ciyaareed xun ku jirta.

Kooxdan oo waqtigan ka ciyaarta heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa iyaga oo labada dhinacba ay isku diyaarinayaan in lagu darayo ciyaartooda 30 daqiiqadood oo dheeraad ah oo u muuqanaysay inay ku dhamaanayso 2-2, waxa daqiiqaddii 100aad (toban daqiiqadood oo lagu daray ciyaarta), waxa ay ku xaqiijisteen goolka goosha oo ay dhaliyeen daqiiqaddii 100aad.

Coventry City ayaa waxa hadda ay sugaysaa isku aadka la samayn doono oo ay calafkeeda ka qaadi doonto, iyaga oo ku riyoonaya inay usoo gudbi doonaan finalka, balse waxa ka horreeya Man City oo 2-0 kusoo karbaashtay Newcastle United iyo kooxaha Axadda kala baxaya ee Man United vs Liverpool iyo Chelsea vs Leicester City.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa waxa ay samaysay taariikh cajiib ah iyaga oo 2-0 ku garaacay Newcastle United waxaana labada goolba u dhaliyey Bernardo Silva.

Waa markii lixaad ee xidhiidh ah ee Man City ay usoo gudubto semi-finalka FA Cup, waana taariikh cusub oo aanay cidina hore u samaynin.

Shantii jeer ee hore, saddex ka mid ah ayey ku hadheen semi-finalka waana sannadihii 2020, 2021 iyo 2022, halka labadii kalena ay finalka yimaaddeen oo marna ay ku guuleysteen marna laga qaaday koobka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga