Mbappe: Ma Dhacayso In Aan Arsenal Ku Biiro Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa ku qoslay wararka sheegaya in uu ka fikirayo in uu ku biiro Arsenal.

Mbappe ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Faransiiska dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib sannado badan oo la isla dhexmarayay Oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 ayaa lagu soo waramayaa inuu kooxda ku wargeliyay inuusan wax niyad ah u qabin inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa haatan, kaasoo ku eg dhamaadka bisha June.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin, Mbappe ayaa la filayaa inuu beeca xorta ah ugu biiro Real Madrid ka hor xilli ciyaareedka 2024-25.

Inkastoo Mbappe lagu wado inuu Paris ku bedelo caasimadda Spain, waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Premier League.

Kylian Mbappe oo ku qoslaya inuu u dhaqaaqo Arsenal.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayuu taageere Gunners ku waydiiyay Mbappe: “Kaalay Arsenal, waan ku ilaalin doonaa”. Isagoo ka jawaabaya, 25-jirka ayaa yiri: “ma dhacayso, ma dhacayso”

Mbappe ayaa intaa kadib ku daray: “Halkaas aad ayay u qabow tahay” markii la weydiiyay sababta uusan u tixgelin doonin inuu u saxiixo Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga