Liverpool Oo Xasuuqday Sparta Prague Kulanka Europa Leageu.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa kusoo goolal tirsatay naadiga Sparta Prague oo ay ugu soo awood sheegteen 5-1, waxaanay ahayd lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Europa League.

Ciyaartan oo tababare Jurgen Klopp uu nasiyey xiddigihiisa muhiimka ah qaarkood, ayaa waxa isku muujiyey Darwin Nunez oo dib ula saaxiibay shabaqa ay colloobeen, waxaanu dhaliyey laba gool, halka Mohamed Salah oo kasoo laabtay dhaawac uu isaguna helay gool uu iskugu sii kululeeyey ciyaarta Man City laakiin ay VAR ka diidday.

Alexis Mac Allister ayaa rikoodhe hoggaanka ugu dhiibay daqiiqaddii lixaad ee bilowga ciyaarta, waxaana uu noqday aftax wanaagsan oo goolkiisa ay sii raaceen darsin goolal kale ah.

Darwin Nunez ayaa is-raaciyey laba gool oo uu meel fog ka toogtay isla qaybtii hore, waxaana lagu kala nastay iyadoo Liverpool haysata saddex gool, kooxda reer Czech Republic na ay ku ceebaysan tahay gudaha garoonkeeda.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay daqiiqad kaliya socotay ayaa Conor Bradley oo beddel kusoo galay ciyaartu uu iska dhaliyey kubbad uu doonayey inuu iska difaaco, waxaanay taasi fursad u noqotay Sparta Prague oo niyadda gashatay inay soo laabanayso.

Laakiin Luis Diaz ayaa lix daqiiqadood gudahood ugu jawaabay oo ka dhaliyey gool afraad, halka Mohamed Salah oo beddel kusoo galayna uu keenay gool uu u dabbaal-degay laakiin ay VAR kusoo qabatay offside uu ku jiray, sidaana kaga diidday.

Dominik Szoboszlai oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa keenay goolka shanaad ee Liverpool, kaas oo quus kasii dhigaya Sparta Prague iyadoo aanay lugta labaadba gaadhin, halka Jurgen Klopp uu kusii dhowaanayo hammigiisa ah inuu ku guuleysto dhamaan tartamada xilli-ciyaareedkan.

Dhinaca kale, kooxda AS Roma ayaa 4-0 ku xasuuqday kooxda horyaalka Premier League ee Brighton & Hove Albion, waxaana goolashan qaybsaday afarta ciyaartoy ee Paulo Dybala, Romelu Lukaku, Mancini iyo Cristante.

AS Roma ayaa rajaynaysa in lugta labaad ee la isla tegi doono waddanka Ingiriiska aanay kasoo bixi doonin natiijo isku soo dhoweyn doonta labadoioda kooxood, sidaasna ay ugu soo gudbi doonaan wareegga siddeedda.

Geesta kale, Bayer Leverkusen ayaa ka badbaadday in loo diiwaangeliyo guul-darradii koowaad ee xilli-ciyaareedkan, waxaanay waqti dambe ka dagaallantay laba gool oo ay kala hormartay kooxda Qarabag oo ay marti u ahaayeen.

Benzia iyo Juninho ayaa Qarabag labada gool u dhaliyey qaybtii hore, hase yeeshee Florian Wirtz ayaa gool usoo celiyey Leverkusen daqiiqaddii 70aad, halka Patrik Schick uu goolka barbarraha u dhaliyey goolka barbarraha.

Ciyaartan ayaa lagu kala bixi doonaa lugta labaad ee ka dhici doonta garoonka Bayer Leverkusen ee waddanka Germany.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga