Saka, Tuchel, Edwards, Arteta, Zinchenko, Kvaratskhelia, Greenwood Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Thomas Tuchel ayaa bartilmaameedsanaya ku soo laabashada chelsea marka uu tababaruhu ka tago kooxda uu haatan joogo ee Bayern Munich laakiin tababaraha Jarmalka ayaa sidoo kale xiiseynaya Manchester United iyo Barcelona. (Sky Sports Germany).

Milkiilayaasha Liverpool ayaa Axadii la kulmay Michael Edwards iyagoo isku dayaya inay ku qanciyaan agaasimihii hore ee ciyaaraha kooxda inuu qaabeeyo wakhtiga ka dambeeya Klopp (Guardian).

Maamulaha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay kooxdiisu ku soo bandhigtay goolka hortiisa in ayna waxba ka badali doonin qorshaha suuqa kala iibsiga ee kooxda iyada oo Gunners wali la filayo in ay la soo wareegto weeraryahan xagaaga (ESPN).

Daafaca bidix ee Arsenal Oleksandr Zinchenko ayaa diirada u saaran kooxaha Newcastle United iyo Bayern Munich, iyadoo Gunners ay ku dooneyso 38.5m si ay u iibiso 27 jirka reer Ukraine (Football Transfers).

Chelsea ayaa ka mid ah dhowr kooxood oo Premier League ah oo isha ku haya 21 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Athletic Bilbao ee Nico Williams, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 50 milyan euro (Fabrizio Romano).

Barcelona ayaa doonaysa in ay amaahda u kordhiso Joao Cancelo xilli ciyaareedka soo socda laakiin Manchester City ayaa door bidaysa in ay si joogto ah u iibiso xiddiga kaas oo xiiso ka helaya kooxaha sucuudiga (Sport).

Wakiilka xiddiga garabka uga ciyaara Georgia ee Khvicha Kvaratskhelia ayaa sheegay in 23-sano jirkaan uu ka tagi doono Napoli hadii kooxda reer Talyaani ay hesho dalab aysan diidi karin. (Gazzetta dello Sport).

Madaxda Manchester United ayaa la filayaa inay ka horjoogsadaan Mason Greenwood inuu aado safarka kooxda ee xilli ciyaareedka cusub ee Mareykanka ka dib markii weeraryahanka Ingariiska, 22, ka soo laabto amaahda uu kula joogo Getafe (Star).

Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay dalab 140 milyan oo euro ah oo u dhiganta (£120m) u gudbisa saxiixa garabka Arsenal ee Bukayo Saka, kaa oo ay u calaamadsatay badalka Kylian Mbappe (Fichajes).

Barcelona ayaa xiriir la samaysay Tababaraha Arsenal Mikel Arteta si ay ugu badasho Xavi (Relevo).

Wakiilka Jorge Mendes ayaa sidoo kale ka shaqaynaya heshiis amaah ah oo labaad si uu xiddiga Joao Felix ugu sii hayo Barcelona wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan (SPORT).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga