Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Muhiim U Ah Kooxda

Daafaca kooxda Arsenal Takehiro Tomiyasu ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku sii joogayo garoonka Emirates.

Dhibaatada dhaawaca xiddiga reer Japan ayaa dib u dhigay horumarkiisa laakiin wali waa xiddig ay jecelyihiin taageerayaasha Arsenal iyo kooxda Mikel Arteta.

Tomiyasu ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah qaybtii hore ee xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay 2 gool 3 kalena caawiye ka noqday 20 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Sida laga soo xigtay The Sun, Tomiyasu ayaa haatan Arsenal u saxiixay heshiis cusub isaga oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Arsenal.

25-sano jirkaan, oo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga 2025, ayaa sida muuqata ku jira mushahar kordhin ilaa £ 100,000 todobaadkii.

Laakiin haatan waxa loogu darayaa lacag dhan 50 kun oo Gini todobaadkii taas oo ka dhigaysa xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga