Maamulka kooxda Liverpool ayaa go’aamiyay mawqifkooda ku aadan iibinta ciyaaryahanka kooxda koowaad Fabio Carvalho, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Ciyaaryahanka Liverpool, Fabio Carvalho, ayaa lala xiriiriyay inuu ka tago Reds xagaagan.
Wargeyska “The Telegraph” ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in Liverpool aysan xiiseyneynin inay amaah ku dirto xiddiga Fabio Carvalho inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wargayska ayaa intaa ku daray in Carvalho lala xiriirinayo in uu isaga tagi doono Liverpool xagaagan, kadib markii uu kala bar xilli ciyaareedkii hore ku qaatay kooxda Hull City.
Waxaa xusid mudan in qandaraaska ciyaaryahanka reer Portugal ee Liverpool uu dhacayo xagaaga 2027.
Sida laga soo xigtay wargeysyada Ingariiska, Liverpool waxay diyaar u tahay inay si joogto ah u iibiso xiddiga iyaga oo ku qiimaynaya lacag dhan 20 milyan oo euro.
Be the first to comment