Lionel Messi Oo Sameeyay Saddex Rikoodh Oo Koob Adduunka Ah Kulankii Algeria.

Kabtanka xulka Argentina, Lionel Messi, ayaa saaka sameeyay saddex rikoodh oo cusub oo Koobka Adduunka ah kadib markii uu saddexley ka dhaliyay kulankii ay Argentina 3-0 kaga adkaatay Algeria.

Gool uu dhaliyay qaybtii hore iyo laba gool oo uu raaciyay qaybtii labaad ayaa Argentina u horseeday guul muhiim ah oo ka dhacday garoonka Kansas City Stadium.

Kadib markii ciyaartu dhammaatay, Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda Koobka Adduunka ee goolal ka dhaliya 11 xul oo kala duwan.

Xiddiga Inter Miami CF ayaa jebiyay rikoodhkii hore ee 10 xul oo ay wada hayeen Ronaldo Nazário iyo Jürgen Klinsmann.

Sidoo kale, isagoo jira 38 sano iyo 357 maalmood, Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee laba gool ama hat-trick ka dhaliya kulan Koobka Adduunka ah, isagoo ka gudbay halyeeygii Cameroon Roger Milla.

Intaa waxaa dheer, kulanka Algeria wuxuu ahaa habeen kale oo taariikhi ah oo u soo hoyday ku guuleystaha siddeedda jeer ee Ballon d’Or, maadaama uu saftay kulankiisii 200-aad ee xulka Argentina. Ma jiro ciyaaryahan kale oo xulka Argentina u saftay tiro intaas le’eg.

Messi ayaa hadda rajeynaya inuu hoggaamiyo Argentina guul kale marka ay kulanka xiga la ciyaaraan xulka Austria maalinta Isniinta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga