“Lamine Yamal Lama Bar-bardhigi Karo Messi, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah”.

Lamine Yamal right winger of Barcelona and Spain sitting on the bench prior the LaLiga EA Sports match between FC Barcelona and Celta Vigo at Estadi Olimpic Lluis Companys on September 23, 2023 in Barcelona, Spain. (Photo by Jose Breton/Pics Action/NurPhoto via Getty Images)

Ciyaaryahanka kooxda Barcelona Frenkie de Jong ayaa sheegay in saaxiibkiis Lamin Yamal uusan weli diyaar u aheyn in lala barbardhigo halyeeyga Lionel Messi.

Yamal ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigaya isaga oo magaciisa la barbar dhigaya Messi kaas oo ayna Barcelona wali buuxiin booska uu ku baneeyay.

De Jong ayaa yidhi”Uma maleynayo inaan Yamal barbar dhigno Messi, sababtoo ah ciyaaryahan kasta oo aad barbar dhigto Messi weli kuma fiicna.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Uma malaynayo in uu jiri doono ciyaartoy kale oo Messi oo kale ah”.

Xiddiga Barcelona ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxa uu Lamine Yamal samaynayo da’dan waa wax aan caadi ahayn oo aad dhif u ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga