Wakiilka Haaland Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Xiddigu Ku Biirayo Real Madrid.

Aabbaha weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, oo lagu magacaabo Alfie Haaland, iyo wakiilkiisa Rafaela Pimenta, ayaa caddeeyey wararka sheegayay in Haaland heshiis la gaaray Real Madrid.

Magaca Haaland ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn uga dhex muuqday warbaahinta Spain.

Tani waxay timid kadib markii Enrique Riquelme, oo u sharaxan xilka madaxweynaha Real Madrid, uu sheegay inuu hore heshiis ula gaaray xiddiga reer Norway si uu ugu biiro Real Madrid haddii uu ku guuleysto doorashada.

Hadalkaasi wuxuu dhaliyey hadal-heyn badan, taasoo keentay in Alfie Haaland iyo Rafaela Pimenta ay si rasmi ah uga jawaabaan.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen ayaa lagu yiri:

“Arrintani waa madadaalo, laakiin run ma aha. Waxaan u rajaynaynaa labada musharrax ee doorashada Real Madrid nasiib wacan.”

Haaland wuxuu bishii Janaayo 2025 la saxiixday Manchester City heshiis waqti dheer ah, kaas oo kooxda ku sii haynaya ilaa Juun 2034.

Sidaas darteed, aabbaha iyo wakiilka Haaland waxay si cad u sheegeen in wararka sheegaya inuu heshiis la gaaray Real Madrid aysan waxba ka jirin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga