Kovacic Oo Digniin U Diray Arsenal Iyo Liverpool

Iyadoo xilli ciyaareedka 2023/24 uu gabagabo ku dhow yahay, kooxda Pep Guardiola ayaa ku sii dhawaanaysa ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kadib guuldaradii Arsenal iyo Liverpool Kooxda Man City ayuu gacanta ugu jiraa rajadooda ku guulaysiga horyaalka prmeier League.

Xilli ay kulamo badan ka dhimantahay xilli ciyaareedka Kovacic waxa uu qabaa in kooxdiisu ay diirada saarto hal kulan si ay ugu guulaysato abaalmarino waaweyn.

Kovacic ayaa yiri: “[Guushii aan ka gaarnay Luton] waxa ay noo aheyd mid muhiim noo ah, Arbacadana [ Real Madrid] waa midda soo socota, seddex ama afar maalmood kasta waa inoo final, kaliya waa inaan sii wadno oo aan diirada saarno kulamadeena”.

Wuxuu ku daray: “Waxaan dareemayaa wanaag, waxaan jeclahay sida ay kooxdu u ciyaarto – kubada oo aan isku dayayo inaan si fiican u ciyaarno”.

Kooxda Arsenal ayaa haatan laba dhibcood oo cadaan ah ku hogaaminaysa horyaalka premier League iyada oo kaliya 6 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga