Klopp Oo Shaaciyay In Ay Man United Sabab U Tahay Dhibaatada Liverpool Ee Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Liverpool ayaa ka hadhay tartanka Premier League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Crystal Palace Axadii kulan ka dhacay Anfield.

Ciyaarta ka dib, Jurgen Klopp ayaa ka hadlay natiijooyinkii ugu dambeeyay ee Man Unied ay dhaawacday niyadooda.

“Waxan qabaa dhibaatadu in ay tahay 100% natiijooyinkii United, guud ahaan sidii aan ula dhaqanay United ayaa na dhaawacday”.

“Waxa nalaga badiyay kulankii FA Cup-ka waxana ay ahayd dhibaato weyn sababta oo ah waxa ay ahayd mid xun”.

Man United ayaa xilli ciyaareedkan ka fogaatay in ay Liverpool kala kulanto guuldaro 3 kulan oo ay la ciyaartay iyada oo 2 kulan bar-baro la gashay midna ka badisay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga