Koox Sucuudiga Ka Ciyaarta Oo Baanka U Jabinaysa Mohamed Salah.

LIVERPOOL, ENGLAND - MARCH 31: Mohamed Salah of Liverpool in action during the Premier League match between Liverpool FC and Brighton & Hove Albion at Anfield on March 31, 2024 in Liverpool, England. (Photo by Chris Brunskill/Fantasista/Getty Images)

Maamulka kooxda sucuudiga ee Al-Ittihad ayaa Doonaya in ay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ku Soo daraan kooxdooda Inta lagu Jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Al-Youm” ee Sacuudiga ka soo baxa, kooxda Al-Itixaad ayaa qorsheyneysa inay Mohamed Salah.

Qandaraaska xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ee Liverpool, England, wuxuu dhacayaa June 30, 2025.

Kooxda ka dhisan Sacuudiga ee Al-Itixaad ayaa ku guuldareysatay inay lasoo saxiixato Mohamed Salah suuqii xagaaga ee ugu dambeeyay iyada Oo Liverpool diiday in ay iibiso xiddiga.

Si kasta ha ahaatee maamulka kooxda reer sucuudi ayaa Doonaysa in ay Salah ka dhigto Saxiixiisa xiddiga mid ka mid ah xiddigeheeda.

Kooxda Sucuudiga ayaa diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 175 milyan oo euro si ay u dhamaystirto heshiiska Salah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga