KADIB SAXIIXIDII Heshiiska … VINI JR oo jeediyey halkiisii ugu horeeyey “WALEEYBA” ?

Xiddiga reer Brazil Vinícius Jr. ayaa si weyn u muujiyay jacaylka uu u qabo Real Madrid, kadib markii uu heshiis cusub u saxiixay kooxda.

Vinícius ayaa bartiisa bulshada ku qoray farriin uu ku yiri:

“Siddeed sano oo aan joogay Santiago Bernabéu waxay ila tahay waqti aad u gaaban… lix sano oo kale iyo WELIGEYBA, Real Madrid.”

Hadalka Vinícius wuxuu caddeynayaa inuu si buuxda uga go’an yahay sii joogista kooxda, isla markaana uusan qorsheynayn inuu ka tago mustaqbalka dhow.

Heshiiska cusub ayaa la filayaa inuu sii hayo Vinícius Jr. kooxda Real Madrid ilaa sanadka 2032, taasoo soo afjaraysa dhammaan wararkii la xiriiray mustaqbalkiisa iyo xiisihii ay u muujiyeen kooxaha kale ee Yurub.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa si weyn u soo dhoweeyay fariinta xiddigooda, iyagoo u arka inay tahay calaamad muujinaysa daacadnimadiisa iyo rabitaankiisa ah inuu taariikh cusub ka sameeyo kooxda cad-cadka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga