Kabtan-ka Liverpool, Virgil van Dijk oo kulan fool ka fool ah laqaaay Tababarihiisa si uu ugo’aamiyo mustaqbalkisa

Kabtan-ka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa la sheegay inuu kulan fool-ka-fool ah la yeeshay tababaraha cusub ee xulka Netherlands, Xavi Hernández, si looga wada hadlo mustaqbalkiisa ciyaareed ee xulka qaranka.

Van Dijk oo 35 jir ah ayaa Netherlands u saftay 96 kulan, balse waxaa hadda jirta hubanti la’aan ku saabsan inuu sii wadan doono ciyaaraha caalamiga ah.

Xavi ayaa dhawaan loo magacaabay tababaraha cusub ee Netherlands kadib markii Ronald Koeman uu xilka ka tagay, Labada nin ayaa sidoo kale wada hadlay bartamihii toddobaadkan, xilli Liverpool ay Champions League kula ciyaartay Atlético Madrid.

Waxaa la filayaa in Van Dijk iyo Xavi ay kulamo dheeraad ah yeeshaan toddobaadyada soo socda, si loo go’aamiyo in kabtanka Liverpool uu sii wadan doono matalaadda Netherlands iyo in kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga