Virgil van Dijk Oo Sheegay Wakhtiga Lagu Dhawaaqi Doono Heshiiskiisa Cusub Ee Liverpool.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa si adag uga dhawaajiyay goorta ay u badan tahay inuu qalinka ku duugayo heshiiska cusub ee Anfield.

Warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalka 33-sano jirkaan ee kooxda Liverpool iyada oo heshiiska daafacu dhici doono dhamaadka Bisha June.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay in Liverpool ay haatan horumar weyn ka gaartay wadahadaladii ay kula jirtay Van Dijk, kaasoo qarka u saaran inuu maro wadadii Mohamed Salah ee qandaraas kordhinta kooxda.

Van Dijk ayaa dhaliyay goolkii guusha ee ay Liverpool 2-1 kaga badisay West Ham iyada oo kooxdiisu ku ii dhawaanayso ku guulaysiga premier League.

Ciyaarta ka dib, Salah ayaa si maldahan u sheegay in Van Dijk uu ku sii dhawaanayo inuu saxiixo heshiis kordhin, isagoo u sheegay Sky Sports: “Waan ku faraxsanahay inaan heshiis cusub u saxiixay kooxda ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka”

“Waxaan rajeynayaa in sidoo kale Virgil uu isna saxiixi doono heshiis cusub, kaliya aynu ugno waxa uu rabo waxa aan doonayaa in aan halkan sii joogo”.

Van Dijk ma qarin xaqiiqada ah inuu doonayo inuu sii joogo Liverpool, waxaana uu soo jeediyay in wararka ku saabsan qandaraaskiisa cusub lagu dhawaaqi doono ka dib xuska kooxda ee Hillsborough toddobaadkan.

“Waxaan u maleynayaa marka hore, dhammaan diiradda waa in la saaro xuska sannad-guurada Hillsborough,” daafaca Dutch ayaa u sheegay suxufiyiinta

“Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay waxa ugu weyn, ka dibna waan arki doonaa. Diiradadu waxay weli ahaan doontaa  kulanka Leicester laakiin waxa laga yaabaa in ay jiri doonaan warar cusub”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga