Jose Mourinho Oo Doonaya In Uu Ku Soo Laabto Man United Laakiin….

Wargeysyada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday mowqifka tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho Iyo ku soo laabashadiisa kooxda Man United.

Tababaraha 61 jirka ah ayaa laga caydhiyay shaqada Kooxda AS Roma bishii January walina waa bilaa shaqo.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sharraxday in Mourinho uu doonayo inuu dib ugu soo laabto kooxda Man United.

Isla wargayska ayaa sheegaya in tababaraha reer Portugal xidhiidh fiican la leeyahay milkiilaha kooxda ee Jim Ratcliffe.

Si kasta ha ahaatee Wargayska ayaa sheegaya in maamulka Man United ay ka laba-labaynayaan in ay mar kale dib u soo celiyaan tababare Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal ayaa la wareegay hogaanka Red Devils xagaagii 2016, wuxuuna ka tagay kooxda bishii December 2018, ka dib markii uu kula guuleystay Red Devils koobabka Europa League Iyo Carabao cup-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga