Waa Maxay Faa’iidada Ay Arsenal Dheeraan Doonto Bayern Munich Kulanka Lugte Hore Ee Champions League.

Ma jiri doonaan taageereyaal Bayern Munich ah oo ku suganaan doona gudaha Emirates Stadium marka ay wajahaan Arsenal bisha soo socota lugta hore ee sideed dhamaadka Champions League.

Isku aadka wareega 8da iyo semi-finalka ee tartamada Yurub ayaa subaxnimadii jimcaha ka dhacay dalka Switzerland iyada oo kooxo ka qayb galaya tartanka ogaadeen kooxaha ay ku aadeen.

Arsenal ayaa lugta 1-aad ku soo dhawayn doonta Bayern Munich garoonkeeda Emirates, Arsenal ayaana faa’iido weyn dheeraan doona Bayern Munich maadama ayna taageerayaasha Bayern ka qayb gali doonin kulanka ka dhici doona garoonka Arsenal.

UEFA ayaa Bayern Munich ka ganaaxday taageerayaashooda kadib markii ay waxyaabaha qiiqa ku tuureen garoonka kulankii ay Bayern 3/1 kaga badisay Lazio.

Dabayaaqadii bishii October Bayern waxaa sidoo kale lagu ganaaxay €40,000 ka dib markii taageerayaasha waxyaabaha qiiqa ku tuureen kulankii lugta hore ee Lazio.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga