Jesse Lingard Iyo Paul Pogba Oo Magacaabay Xiddiga Ku Guulaysan Kara Ballon d’Or sanadkan.

Ciyaaryahannadii hore ee Manchester United, Jesse Lingard iyo Paul Pogba, ayaa aaminsan in Bruno Fernandes uu mudan yahay in loo tixgeliyo abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan.

Lingard ayaa sidoo kale ammaanay saaxiibkiisii hore, isagoo ku tilmaamay Fernandes mid dad-fudud oo si sahlan loola xiriiri karo intii ay wada joogeen intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022.

Tan iyo markii shaqada laga eryay Ruben Amorim, Manchester United waxay muujisay horumar weyn, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta saddexaad ee Premier League iyadoo leh 58 dhibcood 33 kulan kadib.

Fernandes ayaa door weyn ka qaatay soo kabashada United, isagoo dhaliyay 8 gool isla markaana bixiyay 19 caawin 32 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Isagoo 31 jir ah, wuxuu laba caawin oo keliya u jiraa inuu la mid noqdo rikoodhka caawinta ugu badan hal xilli ciyaareed Premier League (20), oo ay hayaan Thierry Henry iyo Kevin De Bruyne.

Inkastoo Manchester United aysan ka qaybgalin tartamada Yurub xilli ciyaareedkan isla markaana ay dhibaatooyin kala kulmeen tartamo kale, Lingard iyo Pogba waxay weli ku adkeysanayaan in Fernandes loo tixgeliyo Ballon d’Or 2026.

Lingard wuxuu BBC Sport u sheegay:“Bandhigyada uu Fernandes sameeyay xilli ciyaareedkan Manchester United waa kuwo cajiib ah. Waa inuu ka mid noqdaa kuwa ugu sarreeya.”

Si kastaba, inkastoo Fernandes uu sameeyay xilli ciyaareed shaqsiyeed oo aad u fiican, haddana waxay u muuqataa inaysan u badnayn inuu ku guuleysto Ballon d’Or sanadkan.

Ciyaartoy sida Harry Kane, Michael Olise, Lamine Yamal iyo Kylian Mbappe ayaa laga yaabaa inay kaga horeeyaan qiimeynta sababtoo ah guulahooda xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Pogba ayaa ku dooday in Fernandes uu noqon lahaa musharax xooggan oo Ballon d’Or ah haddii uu u ciyaari lahaa Manchester City.

Xiddiga Faransiiska ayaa u sheegay Rio Ferdinand“Bruno Fernandes, haddii uu joogo kooxaha kale ee waaweyn, wuxuu ka mid noqon lahaa saddexda ugu sarreeya Ballon d’Or. Ma u malaynaysaa haddii Bruno uu joogo koox kale inuusan ka mid noqon doonin saddexda sare? Haddii aad dhigto City, wuxuu geli lahaa tartanka Ballon d’Or”

Wuxuu ka ciyaaraa meel kasta oo garoonka ah. Wuxuu leeyahay tamar badan. Wuu ordaa mar walba. Wuxuu yahay ciyaaryahan caqli badan. Wuxuu ku ciyaari karaa hal taabasho ama labo taabasho. Wuxuu leeyahay awood uu ku toogto.

“Marka aadan guuleysan, dadka ma kaa fikiraan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga