Imisa Dhibcood Ayay Real Madrid U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa ku dhow inay ku guuleysato horyaalka Spain xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay El Clasico kaga badisay Barcelona (3-2).

Real Madrid ayaa horyaalka La Liga ku hogaaminaysa 81 dhibcood, halka Barcelona ay ku jirto kaalinta 2-aad iyaga oo leh 70 dhibcood.

Los Blancos ayaa 11 dhibcood oo cadaan ah ka horaysa Barcelona iyada oo 6 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka La Liga.

Real Madrid ayaa u baahan in ay badiso laba kulan hal kulanna bar-baro gasho si ay si Rasmi ah ugu guulaysato horyaalka La Liga taas oo la macno ah in ay u baahantahay 7 dhibcood 18-ka dhibcood ee hadhsan.

Real Madrid waxay la ciyaari doontaa Sociedad (April 26), Cadiz (May 4), Granada (May 12), Deportivo Alavés (May 15), Villarreal (May 19), iyo Real Betis (May 26).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga