Xavi Oo Laga Yaabo In Uu Badalo Go’aankiisii Ahaa In Uu Ka Tago Koxoda.

Tababaraha Kooxda Barcelona Xavi ayaa lagu soo waramayaa inuu badali karo go’aankii uu go’aansaday in uu kaga tago kooxda Barcelona kadib 4 bilood oo uu ku adkaysanayay in uuna badali doonin go’aankiisa.

Barcelona ayaa Real Madrid u lumisay horyaalka La Liga kadib markii ay guuldaro 3/2 ah kala kulantay kooxda Los Blancos.

Xavi oo shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka si ay kooxdu u yeelato tababare cusub.

Laakiin Xavi ayaa laga yaabaa in uu haatan badalo go’aankii uu ku go’aansaday in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xavi ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu la kulmo madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta.

Wargayska Marca ayaa sheegaya in uu Xavi haatan ka fikirayo in uu badalo go’aankiisii ahaa in uu isaga tago kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga