Chelsea Oo Garaacday Newcastle Kuna Soo Laabatay Wadada Guulaha

Kooxda chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Newcastle kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Kulanka ayaa ahaa mid ay chelsea ka fiicnayd Newcastle kana awood badnayd sidoo kale samaysay fursado cajiib ah.

Daqiiqadii 6-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Newcastle ayaa daqiiqadii 43-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Alexander Isak kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay laabda koooxood bar-baro ku yihiin.

Qaybta dambe ayay chelsea si dar-dar leh ku bilaabatay waxana ay daqiiqadii 57-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cole Palmer kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda chelsea ayaa daqiiqadii 76-aad dishay ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga Mykhailo Mudryk kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Kooxda Newcastle ayaa daqiiqdii 90-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Murphy kaas Oo ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay Chelsea badisay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga