Hordhac: Arsenal Vs Chelsea: Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Blues Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Kulanka ugu xiisaha badan tartamaha todobaadka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea kulan ka tirsan premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wadato hogaaminta horyaalka marka ay marti galinayso kooxda chelsea.

Dhinaca kale chelsea oo kulankoodii ugu dambeeyay ee premier League guul weyn ka gaadhay Everton ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha.

Kulanka: Arsenal Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Emirates Staduim.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Guusha kaliya ee Chelsea ay gaartay sagaalkii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan waxay aheyd 2-0 oo ay ku badisay Emirates bishii August 2021.

Blues ayaa halis ugu jirta in ay guuldaro xiriir ah oo isku xigta oo Premier Leaque kala kulanto Arsenal markii ugu horaysay tan iyo 3 guuldaro oo ay kala kulmeen Highbury 2001 ilaa 2003.

Gunners ayaa badisay 12 ka mid ah 16 kulan oo Premier League ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda xilli ciyaareedkan laakiin waxa laga yaabaa in markii ugu horaysay muddo laba sano ah laga badiyo laba kulan oo xidhiidh ah markii ugu horaysay muddo 2 sano ah.

Chelsea ayaan laga badinin sideed kulan oo Premier League ah (W4, D4), iyagoo dhaliyay ugu yaraan labo gool lixdii kulan ee hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga