Hakimi Oo Taariikh Ka Sameeyay Champions League

Xiddiga reer Morocco Achraf Hakimi ayaa sii xoojinaya booskiisa taariikhda UEFA Champions League kadib markii uu safka hore uga bilaabtay Paris Saint-Germain kulankii finalka ee ay la ciyaareen Arsenal.

 

Hakimi ayaa ciyaarayay mid ka mid ah kulamada ugu muhiimsan xirfaddiisa, maadaama tababare Luis Enrique uu si joogto ah ugu tiirsanaa xilli ciyaareedkan.

 

Sida uu qoray website-ka Foot Mercato, Hakimi ayaa gaadhay 77 kulan oo Champions League ah, taas oo ka dhigaysa ciyaaryahanka afraad ee Afrikaanka ah ee ugu kulamada badan taariikhda tartankan.

 

Wuxuu sidaas ku dhaafay Michael Essien oo hore u lahaa 76 kulan.

 

Liiska ciyaartoyda Afrikaanka ah ee ugu kulamada badan Champions League:

 

1. Mohamed Salah – 98 kulan

 

 

2. Didier Drogba – 92 kulan

 

 

3. Samuel Eto’o – 78 kulan

 

4. Achraf Hakimi – 77 kulan

 

 

5. Michael Essien – 76 kulan

 

 

 

Hakimi ayaa hadda hal kulan oo keliya u jira inuu la simo Samuel Eto’o, waxaana uu sii wadaa inuu magaciisa ka dhex dhiso halyeeyada Afrika ee ugu waaweyn tartanka Champions League. ⚽🏆

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga