Steven Gerrard oo digniin culus u diray Liverpool: “Kooxdu aad bay u jilicsan tahay” ….

Halyeeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa dhaleeceeyay qaabka ay kooxda ku bilaabatay xilli ciyaareedka, isagoo sheegay in Reds ay u baahan tahay ad-adayg, dagaal iyo gardarro ciyaareed si ay ugu tartanto koobabka waaweyn, Gerrard ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii Liverpool ay 2-2 ku kala baxeen Nottingham Forest garoonka Anfield, taasoo ahayd barbaro kale oo xiriir ah.

Liverpool waxay haysatay 69% kubadda, balse waxay sameysay afar oo keliya oo darbo ah oo bartilmaameedka ku wajahnaa, iyadoo Forest ay laba jeer hoggaanka qabatay ka hor inta aysan Reds soo laaban.

Gerrard: “Waxay u baahan yihiin ciyaaryahan burburiya”, Gerrard ayaa sheegay in Liverpool ay ka maqan tahay ciyaaryahan awood u leh inuu dagaallada kubadda ku guuleysto, “Kooxdan Liverpool xoogaa aad bay u fiican tahay, Waxay ka maqan yihiin ciyaaryahan burburiya, mana sameeyaan tackles badan ama kuma guuleystaan duello badan.”

Wuxuu ku booriyay tababare Andoni Iraola inuu kooxda ka dhigo mid jireed ahaan adag, dagaal badan oo aan sahal loogu ciyaarin, Gerrard wuxuu intaas ku daray in Liverpool ay leedahay ciyaartoy farsamo iyo tayo badan, balse haddii aysan helin “ad-adaygga”as, ay halis ugu jirto inay ka maqnaato tartanka koobabka waaweyn marka xilli ciyaareedku galo marxaladaha muhiimka ah.

Liverpool ayaa kulankii Forest laba jeer gadaal ka timid. Dan Ndoye ayaa Forest hoggaanka u dhiibay, halka Alexander Isak uu Liverpool u barbareeyay,  Morgan Gibbs-White ayaa rigoore ka dhaliyay Reds, ka hor inta uusan Victor Muñoz Liverpool u keenin dhibic.

Dhanka kale, Iraola ayaa sheegay in Liverpool qeybtii hore ay aad u liidatay, balse ay qeybtii labaad si weyn u soo hagaagtay. Tababaraha ayaa sidoo kale ka carooday dib u dhac ku yimid beddelka ciyaartoyda iyo go’aanka rigoorada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga