Federico Chiesa Oo Afka Furtay Kana Hadlay Ku Biirista Liverpool.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan ku biirista kooxda Liverpool.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool isaga oo qalinka ku duugaya heshiis 4 sano ah.

Xiddiga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aad ayaan u faraxsanahay, ma sugi karo inaan noqdo ciyaaryahan cusub oo Liverpool ah. Aniga iyo qoyskayga, aad ayaan u faraxsanahay runtii”.

“Aan u mahadceliyo Juventus iyo taageerayaasha, had iyo jeer waxay ii ahaayeen kuwo gaar ah.”

“Hadda waa waqtigii Liverpool, aad ayaan u faraxsanahay. Ma sugi karo!”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga