FADEEXAD WEYN Gianni Infantino oo si adag uga jawaabay dhaleeceyntii Koobka Adduunka 2026

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa si kulul uga jawaabay dhaleeceyntii loo jeediyay Koobka Adduunka 2026, isagoo sheegay in tartanka lagu qabtay Mareykanka, Canada iyo Mexico uu ahaa mid guul weyn ku dhammaaday, isla markaana uu ahaa “bandhiggii ugu weynaa dunida.” Qoraal dheer oo uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in tartanku ku soo dhammaaday iyadoo aysan dhicin wax rabshado ah, amniguna uu ahaa mid buuxa, taageerayaashuna ay ku raaxaysteen jawi farxad leh.

Infantino ayaa si gaar ah u weeraray dadka dhaleeceeyay FIFA, isagoo ku eedeeyay inay faafinayeen warar aan sax ahayn iyo nacayb halkii ay aqoonsan lahaayeen shaqada adag ee lagu qabtay abaabulka Koobka Adduunka. Wuxuu sheegay in dadkaasi ay “shaashadaha gadaashooda ka faafinayeen nacayb,” halka FIFA ay ku mashquulsaneyd qabanqaabinta tartanka ugu weyn kubadda cagta.

Madaxweynaha FIFA ayaa sidoo kale difaacay go’aankii lagu hakiyay ganaaxii hal kulan ee weeraryahanka Mareykanka Folarin Balogun, arrin dhalisay dhaleeceyn xooggan oo uga timid UEFA iyo qaar ka mid ah xiriirrada kubadda cagta Yurub. Sida uu sheegay Infantino, go’aanno muran dhaliya oo garsoor iyo ganaaxyo la xiriira waa wax si joogto ah uga dhaca horyaallada waaweyn ee dunida, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay laba-wejiilenimo in dalalka isticmaala nidaamyadaas ay haddana FIFA ku dhaleeceeyaan arrimo la mid ah.

Infantino wuxuu kaloo ammaanay sida loo maareeyay ka qeybgalka xulka Iran, isagoo sheegay in inkastoo ay jireen xiisado siyaasadeed oo gobolka Bariga Dhexe ka taagnaa, haddana kooxda Iran ay si nabad ah uga qeyb gashay tartanka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in kubadda cagtu ay tahay aalad mideysa shacabka, islamarkaana aysan ahayn goob siyaasadeed ama kala qaybin.

Dhanka kale, wuxuu iska fogeeyay dhaleeceynta la xiriirtay fiisooyinka, oo ay ku jireen taageerayaal iyo garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan oo loo diiday inuu galo Mareykanka. Infantino wuxuu sheegay in dadka qaar ay xoogga saareen tiro yar oo loo diiday fiisooyin, halka malaayiin taageerayaal ah oo ka kala yimid daafaha dunida loo oggolaaday inay si nabad ah uga qeyb galaan Koobka Adduunka.

Ugu dambeyn, Gianni Infantino wuxuu ku adkeystay in Koobka Adduunka 2026 uu ahaa guul dhinac kasta ah, isagoo ugu baaqay dadka dhaliila FIFA inay joojiyaan faafinta nacaybka iyo wararka aan saxda ahayn, isla markaana ay aqoonsadaan dadaalka lagu qabtay qabanqaabada tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga