DEG DEG Man City oo dhameystirtay saxiixii mudo lasugayey & Barce & Real oo qalbada ayka jebisay !

Daafaca reer Croatia Joško Gvardiol ayaa si rasmi ah u dhammeystiray heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Manchester City, isagoo qalinka ku duugay qandaraas soconaya illaa Juun 2031.

Heshiiska cusub ayaa soo afjaray wararkii la xiriirinayay inuu xagaagan u wareegayo Spain, iyadoo qorshahaas gebi ahaanba meesha laga saaray.

Guddoomiyaha ciyaaraha ee Manchester City Hugo Viana iyo tababaraha cusub Enzo Maresca ayaa Gvardiol u arka mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kooxda, waxayna doonayaan inuu door weyn ka qaato qorshaha mustaqbalka ee City.

Sidaas darteed, Manchester City ayaa xaqiijisay sii haysashada mid ka mid ah daafacyadeeda ugu muhiimsan, iyadoo Gvardiol uu sii ahaan doono qayb muhiim ah oo ka tirsan mashruuca kooxda sanadaha soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga