Waxaa bilaaban doonaa dhawaan horyaalka la liga & iyadoo hardan adag suuqa uu ka socdo Barcelona & Real Madrid taageerayaashooda ayaa durba bilaabay iney isbar bardhigaan labada saxiix ayla wareegeen labada naadi.
Xilli ciyaareedkan waxaa si weyn u soo ifbaxay laba garab weerar oo si heer sare ah u ciyaaray, kuwaas oo la filayo inay noqdaan xiddigaha cusub ee horyaalka La Liga. Anthony Gordon iyo Yan Diomande ayaa soo bandhigay tirokoob cajiib ah oo ay la sameeyeen kooxahooda iyo xulalkooda qaranka.
Xiddiga reer England Anthony Gordon ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 20 gool, isagoo sidoo kale bixiyay 9 caawin, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah garabyada ugu saameynta badan Yurub.
Dhanka kale, xiddiga reer Ivory Coast Yan Diomande ayaa isna muujiyay tayo sare, isagoo dhaliyay 16 gool isla markaana sameeyay 10 caawin, taasoo caddeyn u ah inuu yahay ciyaaryahan si weyn uga qeyb qaata weerarka kooxdiisa.

Labadan ciyaaryahan ayaa si isa soo taraysa loola xiriirinayaa inay u dhaqaaqayaan horyaalka Spain, iyadoo wararku sheegayaan in mustaqbalkooda uu u muuqdo mid ku wajahan La Liga.
Haddii heshiisyada la filayo ay rumoobaan, taageerayaasha kubadda cagta ayaa heli doona fursad ay ku daawadaan laba ka mid ah weeraryahannada ugu hibada badan jiilka cusub oo ku tartamaya horyaalka Spain.
Be the first to comment