Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay barnaamijkiisa daaweynta iyo soo kabashada, kadib dhaawacii kasoo gaaray jilibka midig.
De Jong ayaa doortay daaweyn aan qaliin ahayn halkii uu si toos ah u geli lahaa qalliin, isagoo rajeynaya inuu si dhaqso leh ugu soo laabto garoomada.
Sida ay qortay wargeyska Mundo Deportivo, haddii daaweyntan ay guuleysato oo jilibku si wanaagsan uga jawaabo, De Jong wuxuu garoomada ku soo laaban karaa muddo u dhexeysa 4 ilaa 6 toddobaad.
Hase yeeshee, haddii daaweyntu fashilanto oo dhaawacu uusan kasoo kaban sidii la filayay, ciyaaryahanka ayaa lagu qasbi doonaa inuu maro qalliin, taas oo ka dhigan inuu garoomada ka maqnaan karo ugu yaraan afar bilood.
Go’aankan ayaa Barcelona geliyay xaalad sugitaan ah, iyadoo maamulka caafimaadka iyo tababare Hansi Flick ay si dhow ula socdaan horumarka soo kabashada De Jong toddobaadyada soo socda.
Doorashada daaweynta aan qalliinka ahayn waxay muujinaysaa in De Jong uu doonayo inuu ka fogaado maqnaansho dheer, balse isla markaas waxay xambaarsan tahay khatar. Haddii ugu dambeyn loo baahdo qalliin kadib dhowr toddobaad oo la sugayay, waqtiga maqnaanshihiisu wuxuu gaari karaa qayb weyn oo ka mid ah nuska hore ee xilli ciyaareedka.
Sababtaas awgeed, Hansi Flick ma sugi karo natiijada oo keliya. Waxaa la filayaa inuu durba diyaariyo qaab cusub oo khadka dhexe ah, isagoo si weyn ugu tiirsanaan kara ciyaartoyda sida Pedri, Gavi , Ciyaartoyda da’da yar ee kooxda laga soo saari karo haddii loo baahdo.
Toddobaadyada soo socda ayaa noqon doona kuwa go’aamin doona haddii Frenkie de Jong uu si degdeg ah ugu soo laaban doono kooxda, ama haddii Barcelona ay waayi doonto mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan muddo dheer.
Be the first to comment