Halyeeyga kubadda cagta Talyaaniga Andrea Pirlo ayaa soo saaray bayaan rasmi ah kadib markii magacaabistiisa macallinka cusub ee xulka Talyaaniga ay hareeyeen muran la xiriira wada-shaqeyn ganacsi oo uu la lahaa shirkad Ruush ah.
Pirlo ayaa sheegay inuu maalmahan si weyn uga xumaaday doodda ka dhalatay magaciisa, gaar ahaan xilli lagu waday inuu heshiis afka ah la gaaro xiriirka kubadda cagta Talyaaniga si uu u qabto xilka tababaraha xulka qaranka.
Wuxuu sheegay inuu markii hore ka doorbiday inuu aamuso, isagoo ixtiraam u haya hay’adaha dowladda, xiriirka kubadda cagta Talyaaniga iyo dhammaan dadka ay arrintu khusayso, balse hadda uu u arkay inay lagama maarmaan tahay inuu caddeeyo xaqiiqada.
Pirlo wuxuu carrabka ku adkeeyay in intii uu ahaa ciyaaryahan iyo tababareba uu mar walba ku shaqeyn jiray si waafaqsan shuruucda waddamada uu ka soo shaqeeyay iyo heshiisyadii uu saxiixay.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in wada-shaqeynta ganacsi ee muranka dhalisay ay timid xilligii uu ka shaqeynayay Isutagga Imaaraadka Carabta, isla markaana ay ahayd heshiis ku koobnaa dhinacyada ganacsiga iyo ciyaaraha oo keliya.
Pirlo ayaa sheegay in isku dayga lagu siinayo heshiiskaas macne siyaasadeed uu yahay mid aan sax ahayn, isagoo xusay inuusan waligiis muujin aragti siyaasadeed oo la xiriirta arrintaas, isla markaana aysan ka tarjumayn fikirkiisa.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Paolo Maldini iyo Leonardo, isagoo ku ammaanay kalsoonida iyo taageerada ay u muujiyeen. Wuxuu sheegay inuu si wanaagsan u yaqaan xirfaddooda, daacadnimadooda iyo jacaylka ay mar walba u hayeen kubadda cagta Talyaaniga.
Gabagabadii, Pirlo wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay in arrin ahayd doorasho ciyaareed oo keliya loo beddelay dood ballaaran oo dadweyne, taasoo lagu nisbeeyay ujeeddooyin iyo fikrado uusan waligiis lahayn.
Wuxuu hadalkiisa ku soo xiray isagoo yiri in jacaylka uu u qabo Talyaaniga uusan ku xirnayn xil ama shaqo gaar ah, balse uu yahay qayb ka mid ah taariikhdiisa iyo aqoonsigiisa, isla markaana uu sidaas ahaan doono mar walba.
RASMI: Andrea Pirlo Oo Ka Jawaabay Murankii Ka Dhashay Heshiiskiisa Ganacsi, Ma iscasili doonaa ?
Be the first to comment