Manchester City ayaa weli wada-hadallo toos ah kula jirta kooxda Faransiiska ee Lille si ay u dhammeystirto heshiiska da’yarka khadka dhexe ee Ayyoub Bouaddi, oo ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan kubadda cagta Yurub.
Wadahadallada ayaa si isku mar ah ula socda labada dhinac, iyadoo Manchester City ay la xaajoonayso Lille iyo sidoo kale wakiillada ciyaaryahanka. Kooxda Pep Guardiola ayaa weli ah kooxda ugu cadcad ee doonaysa saxiixa Bouaddi.
Qodobka ugu weyn ee wali la isku hayo ayaa ah waqtiga uu ciyaaryahanku ku biiri doono kooxda. Waxaa la filayaa in go’aan laga gaaro in Bouaddi uu si degdeg ah ugu biiro Manchester City xagaagan ama uu sii joogo Lille hal xilli ciyaareed oo dheeraad ah, ka hor inta uusan u wareegin City bisha Juun 2027.
Manchester City ayaa rumeysan in Bouaddi uu leeyahay mustaqbal weyn, waxayna u aragtaa inuu noqon karo mid ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee kooxda sannadaha soo socda. Wadahadalladu wali way socdaan, waxaana la filayaa in go’aan rasmi ah laga gaaro mustaqbalka ciyaaryahanka maalmaha ama toddobaadyada soo socda.
Be the first to comment