Erik ten Hag ayaa ku adkaystay in aanu u baqayn shaqadiisa kadib markii loo sheegay in uu haysto laba kulan si uu u badbaadiyo waayihiisa Manchester United.
Tababaraha United waxa saaran cadaadis xoogan ka dib guuldaradii foosha xumayd ee axadii ka soo gaartay Tottenham laakiin waxa uu sii ahaan doonaa tababaraha kooxda kulamada Porto iyo Aston Villa todobaadkan.
ka hor kulanka Khamiista, Ten Hag ayaa soo saaray fariin diidmo ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa, isaga oo ku booriyay ciyaartoydiisa inay ‘ku adkaystaan qorshaha’ kulanka Porto iyo Villa.
Wareysi uu siiyay Sky Sports markii la weydiiyay hadii uu dareemayo inuu weli sii ahaan doono tababaraha kooxda Axada soo socota kadib ayuu Ten Hag yidhi”Kama fikirayo taas, kama welwelsani. Waa wada joognaa”.
“Waxa aanu abuurnay isku duubni xagaagii oo leh lahaanshaha iyo hoggaanka”.
Heshiiskaan waanu galnay, dhamaanteenna waanu ka dambeeyay. Waxaan sidoo kale ognahay istaraatijiyad [in ay tahay in la keeno] ciyaartoy da’yar xilliga kala guurka ah”.
“Waxay sidoo kale og yihiin dhamaadka marka aan joogno dhamaadka May, dhamaan 6-daydii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay waxa aan ku guulaystay koobab”.
Be the first to comment