DEG-DEG: Casemiro Oo Dhaawac Looga Reebay Xulka Brazil, Miyuu Seegayaa Kulanka Liverpool Ee Maanta.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Casemiro ayaa laga saaray xulka Brazil dhaawac dartiis, isagoo shaki weyn ku jira ka qayb galka kulanka FA Cup-ka ee ay Man United La ciyaarayso Liverpool.

Brazil ayaa wajihi doonta England iyo Spain inta lagu guda jiro fasaxa caalamiga ah ee March 23 iyo 26 March siday u kala horreeyaan.

Casemiro ayaa la filayay inuu ciyaaro kulamadaas laakiin xiriirka kubada cagta Brazil ayaa xaqiijiyay habeenkii sabtida in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan diyaar u aheyn ciyaarahaas.

Tababaraha Brazil Dorival Junior ayaa ka yiri Casemiro: ‘Waxaan hadda ka helnay warbixin Dr. Rodrigo Lasmar. Liiska horudhaca ah ee ay sameeyeen guddiga farsamada ee xulka qaranka Brazil oo wata 50 magac, 13 ka mid ah ayaa hore ugu maqnaa dhaawacyo kooxahooda”.

‘Nasiib darro, waxaan sidoo kale luminay Casemiro kaas oo dhaawac qaba”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga