DEG-DEG: Ac Milan Oo Dhamaystirtay Saxiixa Kyle Walker

Kooxda Ac Milan ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Kyle Walker sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Xiddiga Kyle Walker ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan kadib markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Man City.

Haatan Romano ayaa xaqiijiyay in uu Kyle Walker heshiis buuxa la gaadhay xiddiga reer England ee daafaca ka ciyaara.

Sidoo kale kooxaha Man City Iyo Ac Milan ayaa ka heshiiyay saxiixa uu xiddigu ugu biirayo kooxda Ac Milan.

Kyle Walker ayaa qaab amah ah ugu biiraya kooxda Ac Milan ka hor inta uuna si toos ah ugu wareegin kooxda xagaaga dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga