Xiddigii hore ee kooxaha Real Madrid Iyo Man United ayaa ka hadlay qaabkii uu ugu dhawaaday ku biirista kooxda Arsenal.
Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa Halyeey ka noqday Premier League isaga oo wacdaro ka dhigay kooxda Man United.
Ronaldo ayaa ku dhawaaday ku biirista kooxda Arsenal ka hor intii uuna ku biirin kooxda Man United.
“Waa run sheekadaas. Waqtiyo hore ayaan ku dhowaa inaan ku biiro Arsenal… laakiin taas waa la soo dhaafay.”
“Runtii, marka aan fiiriyo Arsenal, marnaba uma arko sidii koox iga soo horjeedda. Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay qaabkooda ciyaareed!” ayuu yiri.
Be the first to comment