Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo, ayaa ka hadlay barbaro 1-1 ah oo ay la galeen xulka DR Congo national football team kulankoodii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka 2026, kaas oo la ciyaaray Arbacadii.
Ronaldo ayaan wax gool ah ku kordhin rikoodhkiisa caalamiga ah, iyadoo Portugal ay dhibco lumisay kulankii ay la ciyaareen kooxda loo yaqaan Leopards.
41-jirkan ayaa 90-kii daqiiqo ee uu ciyaaray magaalada Houston helay laba fursadood oo aan si fiican uga faa’iidaysan.
João Neves ayaa goolka u dhaliyay Portugal, halka Yohan Wissa uu madax ku dhaliyay goolka barbaraha ee DR Congo ka hor dhammaadka qeybtii hore.
Ronaldo ayaa bartiisa bulshada ku qoray:
“Ma ahan bilowgii aan rabnay, laakiin tani wali kama dhammaan”
Diiradda saar kulanka xiga.”
Portugal ayaa kulankeeda xiga ee heerka guruubyada la ciyaari doonta xulka Uzbekistan national football team maalinta Talaadada ee soo socota.
Be the first to comment