Chelsea Oo Garaacday West Ham & Jackson Oo Wacdaro Dhigay.

Kooxda chelsea ayaa sii wadata qaab ciyaareedkeedii cajiibka ahaa waxana ay ka badiyeen kooxda West Ham.

Chelsea ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Daqiiqadii 4-aad ayay kooxda chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xidiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Chelsea ayaa sii waday dadaalka ay doonaysay goolal ay ku dheeraysato hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 18-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Chelsea dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cole Palmer kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea badisay kulan ay waliba u qalantay in ay badiso.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga