Tottenham Oo Go’aamin Karta Kooxda Ku Guulaysan Karta Horyaalka, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Tottenham ayaa door muhiim ah ka ciyaari karta tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ayna ka qayb ahayn tartanka premier League hadana waxa ay go’aamin kartaa kooxda ku guulaysan doonta horyaalka.

Tottenham ayaa la ciyaari doonta dhamaan 3-da kooxood ee ku tartamaya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa intaas sii dheer in ay Tottenham la ciyaari doonto kooxaha ku tartamaya horyaalka todobaadyada ugu dambeeya ee horyaalka premier League.

Man City ayaa ugu horayn la ciyaari doonta Tottenham toodbaadka 34-aad ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa kadib booqan doonta Tottenham todobaadka 35-aad ee horyaalka premier Legaue ka hor inta ayna Liverpool marti galin Tottenham kulanka todobaadka 36-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga