BREAKING:- Marcus Rashford oo Macasalaameeyay Barcelona, Kuna Laabtay Manchester United …..

Weeraryahanka reer England Marcus Rashford ayaa si rasmi ah u macasalaameeyay kooxda Barcelona, isagoo dib ugu laabtay Manchester United si uu ugu biiro diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.

Rashford ayaa fariin qiiro leh ku daabacay baraha bulshada, isagoo uga mahadceliyay Barcelona muddadii uu kooxda joogay:- “Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan dadka kooxda ka tirsan oo waqtigeyga halkan ka dhigay mid aad u wanaagsan oo aan la ilaawi karin. Waxaan jeclaa daqiiqad kasta, waxaana qalbigeyga ku reebi doona xusuusahaas gaarka ah.”

Xiddiga 28-jirka ah ayaa sidoo kale u rajeeyay kooxda iyo taageerayaasheeda guul weyn xilli ciyaareedka cusub:- “Waxaan kooxda iyo dhammaan taageerayaasha u rajeynayaa nasiib wacan iyo guulo waaweyn xilli ciyaareedkan. Visca el Barça!”

Rashford ayaa hadda dib ugu laabtay Manchester United, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono tababarrada ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub. Mustaqbalkiisa Old Trafford ayaa weli ah mid si dhow loola socdo, iyadoo la sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga