Halyeeyga kubadda cagta Thierry Henry ayaa digniin u diray maamulka Barcelona, isagoo sheegay in kooxda aysan ku khasaarin waqtiga oo dhan isku dayga saxiixa Julián Álvarez, haddii ay caddaato in heshiiskaasi aanu suuragal ahayn.
Henry ayaa yiri:
“Barcelona ma awooddo inay rajadeeda oo dhan ku xirto Julián Álvarez, Haddii heshiiskaasi noqdo mid aan suurtagal ahayn, isla markaana Krupi uusan diyaar u ahayn, waa inay kooxda si degdeg ah ugu dhaqaaqdaa qorshaha xiga halkii ay suuqa oo dhan ku lumin lahayd hal ciyaaryahan.”
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu muddo dheer la dhacsanaa maskaxda iyo rabitaanka Asllani, isagoo xusay in ciyaaryahanku uusan waligiis qarin hammigiisa ah inuu xirto maaliyadda Barcelona.

Henry ayaa intaas ku daray:
“Waxaan mar walba jeclaa dabeecadda Asllani. Ciyaaryahan ku riyooda inuu u ciyaaro Barcelona inta badan wuxuu bixiyaa wax walba oo uu awoodo si uu u difaaco astaanta kooxda. Haddii Hoffenheim ay diyaar u tahay iibkiisa, maxaa loo sugayaa?”
Ugu dambeyn, Henry wuxuu ku soo gabagabeeyay fariin digniin ah:
“Khaladka ugu weyn ee Barcelona hadda geli karto waa inay toddobaadyo badan ku lumiso daba-galka heshiis aan suurtagal ahayn, halka fursadaha kale ee wanaagsan ay mid mid u sii dabar go’ayaan.”
Hadalka Henry ayaa kusoo beegmaya xilli Barcelona wali raadineyso inay xoojiso weerarkeeda, iyadoo mustaqbalka Julián Álvarez uu weli yahay mid aan la hubin.
Be the first to comment