Caicedo Oo Qirtay Sababta Uu Ugu Dhibaatoonayo Chelsea.

Moises Caicedo ayaa qirtay inuu La dhibaatoonayo cadaadiska qiimaha ay chelsea ka soo bixisay.

Chelsea ayaa baanka u jabisay xiddiga iyaga oo kula soo wareegay lacag dhan 115 milyan oo euro22-sano jirkaan ayaa si tartiib tartiib ah ugu bilowday nolosha Stamford Bridge, si kastaba ha ahaatee, wuxuuna qirtay cadaadiska garbaha ka saaran inuu ahaa mid adag inuu maareeyo mararka qaar.

“Bilowgii, waxaan dareemay cadaadiska,” Caicedo ayaa u sheegay warbaahinta

“Maskaxdayda, waxaan doonayay inaan muujiyo kubbada cagtayda ugu fiican iyo sababta ay kooxdu lacagta iiga bixisay”.

“Intaa ka dib, waxaan bilaabay inaan la hadlo dadka iga caawiyay inaan fahmo hadii Chelsea ay iila soo saxiixatay sabab la xdihiidha qaabka aan u ciyaarayo una qalmo lacagta ay iga soo bixisay”.

“Dabcan, si fiican uma ciyaarin kulan walba, bilowgii horena waxa ay aheyd mid adag, laakiin hadda waxaan dareemayaa wanaag, waxaana dareemayaa inaan kooxda caawinayo, kaliya waxaan ka fekerayaa ciyaarta ee ma ahan waxa ay dadku iga dhahaan”.

“Shaqsi ahaan, hadda waxaan dareemayaa wanaag, waan arki karaa guulihii aan gaaray, si fiican ayaan u ciyaarayaa, kooxdana waan caawinayaa, taasi waa ii muhiim sababtoo ah marka aanan si fiican u ciyaarin, waan xanaaqaa, waa xilli ciyaareedkeygii ugu horreeyay ee Chelsea sidaas darteed waa iska caadi ah in ay waqti qaadatay, waxaana ku baranayaa ciyaar kasta.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga