Michael Owen Oo Qiimeeyay Furdaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

Michael Owen ayaa sheegay in ay Arsenal ku guulaysan doonto premier League sanadaha yar ee soo socda.

Kooxda Mikel Arteta ayaa cadaadiska ku sii haya 2-da koxoood ee ka sareeya iyaga oo 6/0 ku xasuuqay kooxda Sheffield United Isniintii.

Guushaas ayaa Arsenal ku sii haysa kaalinta 3-aad ee premier League iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya Liverpool oo marti galinaysa Man City Axada.

Arsenal ayaa ahayd kooxdii Man City kula tartantay horyaalka premier Legaue Owen ayaana aaminsan in ay kooxda Arsenal ku dhawdahay in ay ku guulaysato horyaalkeedii ugu horeeyay tan ilaa sanadkii 2004.

“Kuwan waa natiijooyin fiican oo cajiib ah, waxa jira kooxo fiican, waxa ay si fudud u garaaceen Liverpool, sidoo kale kulamada ugu badan waxa ay ku badinayaan 2, 3 ama 4 gool”ayuu Owen yidhi.

“Horay ayaan u sheegay in ay yihiin koox awood leh, waxa aan aaminsanahay in ay yihiin kuwo cajiib ah”.

“Wax shaki ah igama jiro in ay sanadaha yar ee soo socda ku guulaysan doonaan horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga