Haaland Oo Ka Hadlay Is Bar-Bardhiga Lagu Sameeyo Isaga Iyo Xiddiga Man United Ee Hojlund

Erling Haaland ayaa amaanay saameynta Rasmus Hojlund ee Manchester United ka dib bilow adag oo nolosha Old Trafford.

“Sidii uu ku bilowday noloshiisa premier League ay adkayd laakiin wuu soo fiicnaanayaa, markii aan ka hor tagnay wuu fiicnaa”ayuu Haaland yidhi markii la waydiiyay fikirkiisa ku aadan xiddiga man United.

“Waa xiddig da’yar ah sidayda oo kale, anigu haatan ma ihi wiil yar laakiin isagu waa xiddig da’yar ah, waa in uu sii wado horumarka uu ka samaynayo Man United”.

Xiddiga Hojlund ayaa ku dhibaatooday kooxda Man United 14-kii kulan ee ugu horeeyay Man United premier League xilli ciyaareedkan.

Labada xiddig ayaa horay la isku bar-bar dhigay sabab la xidhiidha magacooda is shabaha iyo wadada ay soo mareen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga