Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal iyo kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa ka hadlay qaab ciyaareedkiisa kooxda Man United.
Laacibka 30-jirka ah ayaa kaarka cas qaatay kulankii Tottenham ee horyaalka England Premier League, ka dib waxaa mar kale casaan loo taagay kulankii Porto ee ka tirsan Europa League.
Bruno oo la hadlaya wargayska Daily Mail ayaa yidhi”Hadii aan ka hadlo wakhti xun, waxa laba jeer ciyaarta la iga saaray todobaad gudihiis, waxa aan qabaa in ka saarista ciyaartu ayna ahayn cadaalad laakiin waa arin ka dhacda kubada cagta”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aan qaaday mas’uuliyadda wakhtigaas, gaar ahaan kulankii Tottenham sababta oo ah waxa aan uga soo tagay saaxiibadeyda kooxda 10 ciyaartoy iyaga oo raadinaya in ay ciyaarta ku soo laabtaan”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Marka aan joogo Man United, waa in aan horumar ku sameeyaa qaab ciyaareedkayga goolashu iyaga ayaa iska iman doona, waxa aan dhaliyay goolal badan sanadihii ugu dambeeyay, sidoo kale waxa aan haystaa halbeeg aan doonayo in aan sii wado”.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waxaan rajeynayaa inaan gool dhaliyo si aan kooxda uga caawiyo inay kusoo laabato wadada guusha iyo heerka ugu wanaagsan”.
Be the first to comment