“Bruno Fernandes Boos Kama Helayo Shaxda Man City, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah”.

Chris Sutton ayaa sheegay in xiddiga Manchester United Bruno Fernandes uusan xitaa ka soo muuqan karin shaxda Man City.

Fernandes Ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu yimid Old Trafford isaga isaga oo dhaliyay 71 gool 62 kalena caawiye ka noqday 220 kulan oo uu ciyaaray.

29 jirka reer Portugal ayaa loo magacaabay kabtanka xagaagii hore, laakiin hab dhaqankiisa inta lagu jiro ciyaaraha ayaa la dhaleeceeyay mararka qaar.

Si kasta ha ahaatee waxa uu mar kale ku riyaaqay xilli ciyaareed fiican isaga oo ku lug leh 15 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddigii hore ee ku guulaystay premier League Sutton ayaa sheegay in uuna Xiddiga Man United xitaa ku soo bixi karin shaxda kooxda Pep Guardiola.

“Aniga ahanaan boos kama helayo shaxda Man City”ayuu ydihi Sutton.

“Waxaad ka fikirtaa dookhyada Man City ee khadka dhexe sida e Bruyne, Rodri, Silva, Foden. Uma maleynayo in Bruno uu ka fiican yahay mid ka mid ah kuwan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga