“Waa Kulamada Loogu Guulaysto Horyaalka” Cesc Fabregas Oo Arsenal Uga Digay Halkan Kulanka.

Cesc Fabregas ayaa sheegay in kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto Sheffield United uu yahay midka lagu qaado koobabka.

Arsenal ayaa la kulmi doonta Blades isniinta.

Cesc ayaa u sheegay podcast-ka Planet Premier League: “Ma ahan in [ay saameyn ku yeelato ciyaartoyda] laakiin nasiib darro, maskax ahaan, waxay u shaqeysaa sidan”.

“Waxaan u arkaa Arsenal waqti xaadirkaan mid aad u xoogan, waxaan u arkaa inay isku kalsoon yihiin”

“Waan ogahay in laga badiyay kulankii Porto, laakiin waxaan u maleynayaa in Premier League maalmahan ay heer sare yihiin, waxaana aaminsanahay inay si sax ah u garanayaan waxa ay sameynayaan”.

“Waan hubaa in ay aaminsan yihiin isla markaas ay si xoogan u riixayaan in ay badiyaan kulankan, sababta oo ah waa kulamada loogu guulaysto horyaalka”.

“Haddii ay badiyaan waxa ay cadaadiska saarayaan Liverpool”.

“Wax walba ayaa jira, laakiin, hadda, waxaan arkaa Arsenal oo aad uga xoog badan inay dhibco ku lumiso halkaas.”

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga