
Gool dhaliyaha kooxda Real Madrid Brahim Diaz ayaa sheegay in uu diiday in uu u dabaal dago goolkisa isaga oo ixtiraam u haya kooxda Manchester City.
Brahim ayaa kursiga keydka ka soo kacay si uu u barbareeyo kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee is reeb-reebka champions league.
Xiddiga ayaa shabaqa dhex-dhigay kubad ku jirtay dilinta ganaaxa laakiin waxa uu Diiday in uu dabaal-dago.
Brahim Diaz ayaa doortay in uu kor u qaado gacamaha halkii uu dabaal-dagi lahaa.
Isagoo sharaxaya dabaaldegiisa hoose, xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco ayaa shaaca ka qaaday inuu ixtiraam u muujiyay Man City sabab la xidhiidha in uu wakhti ku soo qaatay kooxda.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxdaan, waa meesha aan waligey ku riyoon jiray inaan ka ciyaaro,” Brahim ayaa yiri
“Umaan dabaal-dagin goolka Sababta oo ah waxa aan wakhti fiican ku Soo qaatay Man City”.
“Labo jeer ayaan halkan ka dhaliyay labo sano ka hor, waxayna ku dhawaaqayeen magacayga, marka waa inaan ixtiraamo.”
Be the first to comment