Manchester United ayaa go’aansatay in Benjamin Sesko uusan u safri doonin Slovenia inta lagu guda jiro fasaxa xulalka, iyadoo kooxda ay dooneyso inay si gaar ah u qiimeyso dhaawac uu ka qabo qaybta hoose ee lugta, gaar ahaan lafta shin-ka, Sesko ayaa laga saaray safkii Manchester United ee kulankii ay 1-1 kula galeen Fulham Axaddii, kadib markii uu dareemay xanuun ka dhashay dhaawac hore uga jiray shin-ka. Dhibaatadan ayaa soo noqotay kadib kulankii United ay 3-2 kaga adkaatay Brighton toddobaadkii hore.
23-jirkan ayaa kulankii Brighton ku bilowday, balse hadda kooxda caafimaadka ee Manchester United ayaa qorsheynaysa inay si dhow ugu baaritaan ku sameyso xarunta tababarka Carrington, si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa, Sesko ayaa wax ka yar laba toddobaad ka hor sheegay inuu jir ahaan dareemayo inuu yahay xaalad wanaagsan, balse dhaawacii hore ayaa mar kale soo noqday.
Xiddiga reer Slovenia ayaa muddo la tacaalayay xanuunkan, isagoo xitaa ciyaaro hore u galay isagoo xanuunka u adkeysanaya. Dhaawaca ayaa sii xumaaday markii lagu riixay bannaanka garoonka Old Trafford intii lagu jiray kulankii Liverpool ee 3-dii May, Dhibaatadan ayaa sidoo kale saameysay diyaar garowgii Sesko ee xilli ciyaareedkan, Waxa uu seegay dhammaan lixdii kulan ee Manchester United ay ciyaartay xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu kaliya kursiga keydka kasoo galay kulankii furitaanka ee ay guuldarrada kala kulmeen Hull.
Slovenia ayaa Sabtida martigelin doonta Scotland magaalada Ljubljana, waxaana kulankaas uu qeyb ka yahay kulamada Nations League. Slovenia ayaa sidoo kale wajahaysa North Macedonia iyo Switzerland, iyadoo markale la ciyaari doonta Scotland, Kulamadan ayaa noqonaya markii afaraad tan iyo markii Sesko uu Manchester United ku biiray bishii August 2025 ee uu ka maqnaado xulka Slovenia.
Sesko wuxuu seegay kulamadii caalamiga ahaa ee November ee sanadkii hore sababo la xiriira dhaawac jilibka ah, wuxuuna ka maqnaa kulamadii March si uu u nasto dhaawaca shin-ka. Sidoo kale lama uusan qeyb gelin kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga kadib dhaawicii uu ka qaaday kulankii Liverpool, Maqnaanshaha joogtada ah ee Sesko ayaa horey u sababay xiisad u dhexeysa Manchester United iyo xulka Slovenia.
Be the first to comment