Bayern Munich Mise Liverpool? Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Saadaaliyay Kooxda Uu Xabi Alonso Ku Biiri Doono.

Tababaraha Kooxda Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa ah midka ugu hadal haynta badan xilli uu wacdaro ka dhigayo kooxda Leverkusen.

Xabi Alonso ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool kuwaas oo suuqa ugu jira tababare cusub ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Klopp iyo Tuchel ayaa la xaqiijiya in ay ka tagayaan kooxohooda dhamaadka xilli ciyaareedkan sida la xaqiijiyay.

Wargayska Mailonline ayaa taageerayaasha kubada cagta waydiiyay kooxda ay u arkaan in uu Xabi Alonso tababare u noqon doono xilli ciyaareedka dambe.

Taageerayaasha ayaa 53% oo dhigma 6, 756 cod ayaa Xabi Alonso U saadaaliyay in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Liverpool.

Dhinaca kale Bayern Munich ayaa 30% una dhiganta 3,764 cod ayaa Xabi Alonso u saadaaliyay in uu noqon doono tababaraha cusub ee Bayern Munich.

Sidoo kale 12% una dhiganta 1,492 cod ayaa Xabi Alonso U Saadaaliyay in uu sii ahaado tababaraha kooxda Bayer Leverkusen halka 6% ay u saadaaliyeen koox kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga