Barcelona Oo Ka Fal Celisay Wararka La Xidhiidhinaya Tababaraha Liverpool Ee Jurgen Klopp.

Agaasimaha Isboortiga ee Barcelona, ​​Deco, ayaa ku tilmaamay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp inuu yahay ‘tababare weyn’ iyadoo kooxda heysata horyaalka Spain ay bilaabayaan raadinta bedelka Xavi.

Bishii la soo dhaafay, Xavi ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababaraha Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo kooxda siiyay dhowr bilood si ay u helaan bedelkiisa.

Klopp, ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu ka tagi doono Liverpool xagaagan ka dib sagaal sano oo uu ku sugnaa Anfield.

Inkastoo uu ku adkeystay inuu sanad ka maqnaan doono kubada cagta, Klopp ayaa haatan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Camp Nou xagaagan.

Markii wax laga weydiiyay inuu u dhaqaaqi karo tababaraha Liverpool, Deco ayaa u sheegay La Vanguardia: ‘Waa tababare weyn, laakiin uma maleynayo inay tahay waqtigii saxda ahaa ee aan ka hadli lahaa”.

“Tababaraha cusub wuxuu rabi doonaa inuu isbedel sameeyo laakiin marka hore waa inaan sharaxnaa mashruuca iyo fikradaha. Waxaa jira dookhyo badan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga